Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 7 September 2024

Taariikhda Dib U Raaca ..Durbaanka La Garaacayo .. Is Wanaajinta Lala Tuban-yahay .. Hadalada Qiirada Ee Dhiigu Da'aayo .. Hadaba Beenta Iyo Qori Is Maris-nimadu Weligeed Ma Soconeysa .. Afgarad....

Saturday - June 29, 2024




Colaad Laysku Dabar Go'o Nabad Baa Ka Roon, Laakiin Taariikhda Dib U Raaca Oo Beenta Daacuunka Ah Iyo Qori is-maris-nimada Yaa Markasta U Yeerta, Koleyba Dhuumasho U Dhabarku Muuqdo Ma Aha Duumasho, Balse Waa Wax La Dambaabayo Oo Dadka La Rabo In Loo Sheego Been Hoosta Ka Qalalan .. Rajadu Wada Hadalku Waa inusan Noqon Mid Hoosta Ka Qalalan Oo Afafka Hore Ee Laga Soo Galaayo hadalka Lagu Qurxiyo Ubax Guudka La arkaayo Si Wax Loogu Qaldo Oo Ay Indhuhu Ku Doogsadaan Qalbigana U Dajisa Dadka Si Aanay U Didin

 Arintu Si kastaba Ha ahaate .. Mas’uuliyiin ka kooban Wasiiro iyo Xildhibaanno ay weheliyaan maamullada heer gobol, heer degmada iyo taliyaasha qeybaha booliska gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug ayaa Jimcihii shalay gaaray degaannadii lagu diriray ee galbeedka gobolka Mudug.

Madaxda ka socday Puntland iyo Galmudug ee ka kooban wasiiro iyo xildhibaanno ay weheliyaan maamullada heer gobol, heer degmada iyo taliyaasha qeybaha booliska gobolka Mudug ayaa shir ku yeeshay nawaaxiga miyiga "Maygaagta iyo Jiicboor" ee ay ku dagaallameen labad beelood.

Shirka labada dhinac ayaa ugu danbayn ku soo dhammaaday is afgarad ka kooban 4 qodob oo ay ugu horrayso: 1-Xabbad-joojin shuruud la’aan ah iyo in la kala qaado malesshiyaadka labada beelood ee ku dagaallamay degaanka sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Puntland iyo Galmudug.

Waxa kale oo la isla gartay in la qabto guddi labada dhinac ah oo ka shaqeeya in wada-hadal nabadeed u furmo dhinacyada diriray iyo in ciidamo isku dhaf ah oo ka kooban labada maamul la geeyo degaannadii lagu dagaallamay.

Cala Ay Xaal, Waxaa La Rajeynaya Arinta ineysan noqon wax hoosta ka qalalan oo la soo dhoodhoobay iyo Dhalanteed Bulshada Loo Sawiraayo.