Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 7 September 2024

Cudurka Qabiilka Iyo Geeri Aan Lagu Cibro Qaadaneyn Iyo Dadka Daalaya .. Gacmo Furan Iyo Gogol Nabadeed Oo Ka Bilaabatay Mudug

Tuesday - July 2, 2024




Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo Galmudug ayaa maanta ku guulaystay in ay isu keenaan odayaasha iyo waxgaradka labadii beelood oo dhawaan ku dagaallamay galbeedka Gobolka Mudug.

Mas’uuliyiinta Galmudug iyo Puntland oo isugu jira xildhibaanno iyo  wasiiro ay weheliyaan maamullada heer gobol iyo heer degmo iyo saraakiil ciidan ayaa gogol nabadeed oo hordhac ah isugu keenay odayaasha labada beelooda.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Maxamed Faarax Maxamuud oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in ay ku guulaysteen isu keenidda odayaasha labada dhinac si looga wada-hadlo xallinta colaadda ka taagan galbeedka Mudug.

“Waxaan ku guuleysanay inaan isku keeno Waxgaradka labada Beelood ee walaalaha, si looga wada-hadlo colaadda ka taagan Galbeedka Gobalka Mudug” ayuu yiri wasiirka Maaliyadda Puntland.

Tallaabadan ayaa imaanaysa maalmo kadib markii ay labada dhinac ka hirgashay xabbad-joojintii laga sameeyay degaannadii lagu diriray ee galbeedka Gobolka Mudug.