Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 7 September 2024

Ha Abaal Dhicin .. Abaal Nin Galaa Badan Nin Gudase Yar .. Qisadi Ronaldo Iyo Saaxiibkiis Albert Fantrau

Monday - July 15, 2024






Maalin Maalmaha Ka Mida ciyaartooyada Caanka Ah Cristiano Ronaldo ayaa la waydiiyay yaad ugu mahad-celineysaa Heerka iyo guusha aad ka gaartay kubadda cagta .. Wuxuu ku jawaabay saxiibkeyga Albert Fantrau oo sabab u ahaa Guusha aan Gaaray iyo qofka maantay aan ahay .

Wuxuu Yiri, Aniga iyo saxiibkey waxaa ka wada Tirsaneen Hal Koox oo ciyaartooy ah , dabadeed Galab anaga oo ciyaar leh kulanka hor Waxaa na Soo booqday Guddi ka socda Akadheemiyad koox, waxay inoo sheegeen in qofkii Goal badan dhaliya kulanka galabta ay si rasmi ah u qaadan doonaan .. maalintaas ayu yiri waxaan ku badinay( 3-0) 

RonaaldoWuxuu yiri Goalka Kowaad aniga ayaa dhaliyay, balse Kii 2-aad saxiibkeyga Albert ayaa dhaliyay, Lakin Goalka 3-aad ayaa ah kan ay qisada sheekadaan ku jirto .

Ronaldo wuxuu yiri saxiibkey Alberto asaga oo dhalin Kara Goal ka 3-aad una Soo gooyay Gool Hayaha (goal keeper) ayuu ii baasay Si aan u dhaliyo Goalka 3-aad, sidoo kalane ugu guuleysto ku biirista Akadeemiyadda Kooxda .. oo Sidaaas iyo saaxiibkey ii soo baasay ayaana ku dhaliyay Goalkii guusha  .. Ronaldo ayaa waydiiyay ciyaarta markay Soo dhamaatay saxiibkiis Albert Sababta Asaga oo dhalin-karey Goalka uusan u dhalin .

Alberto wuxuu ku jawaabay saxib adiga ayaa iiga fiican kubadda cagta sidaa darteed ayaan u doortay in aad adigu ku biirto Akadeemiyadda.

Sanado ka dib wariye ayaa booqday Alberto waxa uuna waydiiyay qisadaan !Wuxuu ku jawaabay waa sax oo qisadaa way jirtaa mustaqbal-keyga kubadda Cagta malintaa ayaa iigu dambeysay ilaa hadana wax shaqo ah ma hayo oo waxan ahay shaqo la,aan.

Wariyihii ayaa waydiiyay sidee macquul ku tahay adiga oo shaqo la'aan ah in aad ku nooshahay gurigaan quruxda badan misane weyn,sidoo kale ku raaxeysanaaya iyo garigaan qaaliga ah oo sidii boqorada u nool .. Albert ayaa ku jawaabay Ronaldo ayaa ku mahadsan oo ilaa maantay iga warqabo abaalka aan ugalay aawgii.

*Hadaba Akhristow saxiibadaa ma ku jiraan Albert Fantrau oo Kale? Adigase sidii Albert oo kale ma sameyn laheyd oo saxiibkaa oo aad ogtahay in uu Kaa wanaagsan yahay misane ubaahi qabo caawin Fursadaa masiin laheyd.

Mahadsanidiin.