Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 18 October 2024

Alle Bay Tiisa Tahaye Mareexaanow Aadamigu Wey Kala Gurteene Ee iimaansada Deeqda Eebaha .. Dhankaad Doonto U Laad Mar Haddi Adigu Hubki Hayso .. Madaxweyne Qoor-Qoor Oo Dhaqan Gobeed La Soo Baxay

Tuesday - July 16, 2024




Maamul goboleedka Galmudug u madax u yahay Mudane Qoor-Qoor ayaa soo saaray war saxaafa-deed ku saabsan shaqaaqada ka dhalatay hubkii tahriibka lagu qabtay shalay degmada Caabudwaaq ee ugu dambeysti la bililiqeystay

War saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Amniga Gudaha ee Galmudug ayey ku sheegtay inay si dhow ula socotay dhaq-dhaqaaqa hubkaasi laga soo tahriibiyey dhanka Itoobiya.

Hay’adaha Amniga oo ku dabajoogay ayaa isku dayey in ay gacanta ku dhigaan hubka, si looga hortago halista amni iyo xasilooni darrida uu hubkaasi abuuri-karo, ayay qoraalka ku sheegtay wasaaraddu.

“Dowladda Galmudug waxey baaritaan ku haysay cidda ka danbaysay falkaas argagaxa leh, waxaana u caddaatay in dad Qowlaysato ah kuna caan baxay ka ganacsiga wax-yaabaha sharci darrada ah ay ka danbeeyeen”.

“Iyadoo ujeedku ahaa in loogu adeego danahada argagaxisada, la isagana horkeeno shacabka , laguna khalkhal geliyo amniga iyo xasilloonada Galmudug, ayay wasaaadda amniga gudaha ee Galmudug ku sheegtay qoraalkeeda.