Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 7 September 2024

Nin Shir Nabadeed Ka Baxayow Siiga Yare .. Go'aan Laga Soo Saaray Dhameystirki Nabadeynta Beelaha Ku Dagaalamay Galbeedka Gobolka Mudug

Sunday - July 21, 2024




Gaalkacyo - Mas’uuliyiin ka tirsan Maamullada Puntland iyo Galmudug, oo ay weheliyaan Odayaasha Dhaqanka labada Beelood ee Sacad iyo Leelkase ayaa soo saaray Qodoba dhammaystir u ah Nabadaynta Colaaddii Galbeedka Mudug.

Dhinacyada oo Shir ku yeeshay Degaanka Maygaagta ee Galbeedka Gobolka Mudug ayaa ku dhawaaqay Qodobada dhammaystirka Fulinta Go’aannadii Xabbad-joojinta ee Colaadda Labada Beelood ee ku dagaallamay Galbeedka Gobolka Mudug.

Waxaa la go’aamiyay in hubin lagu sameeyo dhammaystirka fulinta Qodobadii Xabbad-joojinta iyo kala qaadista Maleeshiyaadka Beelihii dagaallamay, islamarkaana Ciidamada qaabilsan Amniga ay xaqiijiyaan in aan isku dhac danbe imaan inta laga hirgelinayo Heshiis Nabadeed oo Rasmi ah.

Waxaa Sharci-darro loo aqoonsaday in dhismayaal iyo Degaameyn laga sameeyo Dhulkii lagu dagaallamay, waxaana loogu baaqay dhammaan Odayaasha Labada Beelood in ay Kaalintooda ka qaataan Fulinta Go’aannadii Xabbad-joojinta Labada dhinac.

Bisha 5/8/2024 ayaa loo asteeyay in uu furmo Shirka Rasmiga ah ee Nabadaynta Labada Beelood, kaasi oo lagu qabanayo Magaalada Gaalkacyo, si loo dhammaystiro Gogoshii Wada-hadalka Nabadda Labada dhinac ee dirirtu dhexmartay.

Sidoo kale, waxaa la go’aamiyay In wada-hadallada Gogoshu ay ku koob-naadaan Odayaasha Labada dhinac, iyadoo Maamullada Galmudug iyo Puntland ay korjoogteynayaan mar walba lana xallinayaan Odayaasha wixii ay isku fahmi waayaan sidoo kalana ay farsamao ahaan hagayaan Maamulka Shirka.