Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 22 October 2024

Ninka Halkaan Xujeyda Dhex Hurda Miyaad Garaneysan .. Waa Madaxweynihi Hore Xasan Ouattaro Oo Xukunka "Ivery Coast" Hayey 1999- 2010

Saturday - October 19, 2024



Ninka halkaan Sawirka kaaga muuqda waa madaxweynihi Dawlada Ivory Coast Ee Mgaciisu ahaa Xasan amase loo yaqaan "Alassane Ouattaro", oo markaas si haybad-nimo u dhex jiifa barxada Kacbada ee Xujaajtu daalka iyo dhafarka kaga nastaan, si wardiga Shahaadada u weheshado iyo wal-bahaarka Aakhiro kaga nabad galo .. Xasan Ouattaro, oo xaga dalka Sacuudiga u tagay Munaasabada Xajka, wuxuu ku tagay kharaj isaga si gaara u leeyahay, mana isticmaalin bataatan kharajka dawlada u madaxa ka yahay

Maamuus ahaan, Boqortooyada Taajka Sacuudiga darajeyn sare awgeed ayey u soo bandhigtay iney dajiso mid ka mida Qusuurta magaalada Maka lagu raaxeysto ee quruxda badan, isla markaana la siiyo ilaalo waardiyeysa, hase-ahaate soo jeedintaas waa looga quustay waana u ka cududaartay, isaguna waa Xasane dalkiisa kama soo kaxeysan wax waardiyeya 

Madaxweyne Xasan Ouattaro, intu xukunka dalkaas maamulaayey, waxaa dalkaas ka jiray Deganaasho Amni, mid Siyaasadeed iyo heer Dhaqaalaha dakhliga qofkiiba u gaaray 5000 Dollar Sanadkiiba

Madaxweyne Xasan Ouattaro Alle ha ka siiyo gudashada xajkiisa caafimaad ifka ah, aakhirana ha ka hayo cadaabta ..  Xaqiiqo aan la dafiri-karin, Xasan waa xukumay markaas buu Hurdo laday oo Nabad ku nagaaday .. Wargesyada caalamaka ayaa sawirkaa meel kasta ku daabacay, oo ku tilmaamay inu yahay Xasan Adoon caabida mukhlis ah oo mudan iney madaxweyna-yaasha la midka ah ku deydaan ee ma aha kuwa xilka loo dhiibtay intey Ceelka ka dhaan-sadaan dhigtay oo ku talax-tagay. .. Arintu si kastaba ha ahaate, Xil waxaa loo dhiiba Nin gudan-kara, Xoolana waxaa loo dhiiba nin Xafidi-kara