Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 18 January 2025

Dunidi Wey Waalatay .. Dalki Ameerika Lagu Dayan-Lahaa Intey Dimuqaradi Naceen Ayey Danbiile U Doorteen Qaran .. Donald Trump Oo Mar Kale Dib Loo Doortay

Wednesday - November 6, 2024




Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale dib loogu doortay xilkaas, kadib doorasho adag oo shalay ka dhacday dalka, isaga oo ka guuleystay madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Kamala Harris.

Trump ayaa illaa hadda xaqiijiyey 277 oo ah ergada codeynta ama Electoral College, halka Kamala Harris ay illaa hadda ku guuleysatay 224 .. Trump ayaa u baahnaa 270 si uu noqdo madaxweyne.

Donald Trump ayaa ku guuleystay gobollo badan oo muhiim ah, oo ah kuwa aadka loogu loolamo, sida Pennsylvania, Georgia iyo Wisconsin. Saddexdan gobol ayaa waxaa 2020 ku guuleystay madaxweyne Joe Biden.

Dhinaca kale, Jamhuuriyiinta ayaa waxay la wareegeen aqlabiyadda Aqalka 100-ka xubnood ka kooban ee Senate-ka, laakiin weli lama oga xisbiga maamuli doono Aqalka Wakiilada Mareykanka.

Trump ayaa guulo sheegtay horraantii Arbacada isagoo u mahad-celiyey taageerayaashiisa, isu soo bax ka dhacay Florida .. "Tani waxay ahayd dhaq-dhaqaaq aan qofna horay u arag, run ahaantiina, kani wuxuu ahaa, waxaan aaminsanahay, dhaqdhaqaaqii siyaasadeed ee ugu weynaa abid," ayuu yiri Trump.

Waxaa uu ballan qaaday in uu "hagaajin doono xuduudaheena" uuna " hagaajin doono wax walba oo dalkeena ka jira."

Trump ayaa sidoo kale sheegay inuu ka shaqeyn-doono sidii uu u gaarsiin lahaa "Mareykanka inuu noqdo xooggan, ammaan ah oo barwaaqo ah."