Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 21 November 2024

Mucaaradki Xasan Shiikh Oo Xanaaq Dartiis Iska Buuxiyey Neef Baluunki U Ekaaday .. Xubnihi Labada Aqal Ee Baarlamaanka Oo Xasan Shiikh Qalwadiisi Isku Shubay

Saturday - November 16, 2024




Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Sabti ah ansixiyay Hindisaha Xeerka Dhisidda Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.

Fadhi wadajir ah, oo ay Maanta yeesheen Xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen Hindisaha Xeerka Dhisidda Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka.

173 Mudane oo xaadir ku ahaa Fadhiga ayaa dhammaantood u codeeyay ansixinta Hindisaha Xeerka Dhisidda Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha, islamarkaana ma jirin cid diiday ama ka aamustay meel-marinta Hindisaha Xeerkaaasi., taaso ku tuseysa sida ay shaqeyneysa mashruci Xasan Shiikh ee mucaaradka diidanaayeen 

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xil. Cali Yuusuf Cali Xoosh oo Wasaaraddiisu soo gudbisay Hindisaha Xeerka Dhisidda Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa sidoo kale Baarlamaanka uga mahadceliyay Ansixintii