Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 18 January 2025

Dalka Iyo Dadkaan Cirka Lagu Laalay Ee Bal Eeg Halkuu Nala Galay Jaceylki .. Raiisal Wasaare Xamze Oo Sharci-daro Ku Tilmaamay Hanaanka Doorashada Ee Axmad Madoobe Ka Wado Kismaayo

Monday - November 18, 2024





Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo hadal ka jeediyay munaasabad uu Xilka kula wareegayay Taliyaha cusub ee Ciidamada Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Jubaland.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe in uu isaga baxay dhammaan heshiisyadii dalka loogu jihaynayay doorashada qof iyo Codka ah oo uu markii hore saxiixay islamarkaana doorasho sharci-darro ah ka wado Kismaayo.

“Hanaanka doorasho ee Ahmed Maxamed Islaam ka wada Kismaayo waa sharci daro, waxii ka soo baxana waa sharci daro, hal xaaraana ah nirig xalaal ah ma dhasho, mana la aqbali karo, waxaana ugu baaqayaa dadka reer Jubbaland inay tashadaan, kana tashadaan sidii ay u dhici laheyn firaaq siyaasi ah” ayuu yuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu baaqay ciidamada Jubbaland in aysan ku milmin khilaafka siyaasadeed ee taagan, Waxa uu uga digay Madaxweyne Axmed Madoobe in ciidamada maamul goboleedka loo adeegsado arrimo siyaasadeed, isagoo sheegay in falalkaasi ay ka dhalan karaan cawaaqib xumo.

“Walaalkay waxaan ugu baaqayaa in uusan ciidamada u adeegsan arrimaha siyaasadda, waana dambi aan lays kaga hari doonin haddii uu qaado, waxayna keeni doontaa in ay ciidanka Jubaland burburaan” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.