Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 18 January 2025

Waa Maallin Jimce Ee ILaahay Ha Na Waafajiyo Kheyrka Iyo Barakada Ay Leedahay .. Waxaa Dadka Oo Dhan Waajib Ku Ah Iney ILaah Ka Cabsadaan Dhawraana Amaradiisa Iyo Waajibaadka Uu Ina Faray

Thursday - November 21, 2024





Nabi Muuse ayaa reer Bini Israa’iil ka hor intii aanu dhimanin ku yiri: Reer Bani israaiilow Waa inaad amarada Rabigiina jidkiisa ku socotaan oo aad isaga Un ka cabsataan .. wuxuu yiri:  ILaaha Khaaliqa ahi wuxuu xaq u leeyahay inuu makhluuqaad-kiisa ka dalbado inay addeecaan sharcigiisa iyo amarradiisa. Waxay haddaba masuuliyad weyni innaga saaran-tahay inaan dhawrno sharciga Ilaah haddii aynu sidaas yeeli-weyno, waxaynu nahay kuwo galabsanaya caradiisa. 

Waxa dadka oo dhan waajib ku ah inay ILaah ka cabsadaan oo dhawrtaan amarradiisa Sharciga ah iyo waajibaadka uu ina Faray' .. Bal maxaa Rabbiga Ilaaheena ahi naga-doonayaa, kow inaan ka cabsano jidku na farayna raacno .. Nabi Muuse markale ayuu ku yiri Reer bani israaiil, waxa la inagu amray inaan ILaah si sharci ah u adeecno, laakiinse amarka iminka socda, waxa ku darsamay wax kale cusub oo ah Bidco ay la yimaadeen qoomka Reer bani israaiil 

Jacaylka Ilaah ee ku Sugan Qur’aanka .. Ugu horrayn, Qur’aanka waxa ku sugan iyadoo dadka lagu boorrinayo inay Ilaah Caabudaan kana Cabsadaan. Laga yaabaa haddaba aayadda uugu wanaagsan ee arrintan ka hadlaysaa inay tahay:"Waxaad dhahdaa haddaad tihiin kuwo jecel Eebbe I raaca haydin jeclaado Eebbee hana idiin dhaafo denbigiinnee, Eebbena waa denbi dhaafe naxariista". Suuradda 3:31

Qur’aanka oo dhan waxa aan ka dhex heli karnaa in ILaah uu jecelyahay kuwa camalka suubban sameeya oo sidoo kalena aanu jeclayn kuwa sharka fala. Tani waxa ay ka dhigan-tahay inuu ILaah aqbalayo kuwa wanaaga fala oo sidoo kalena aanu ogolayn kuwa sharka fala. 

Waxa hubaala in Qur’aanku uu ku baaqayo iyada oo wax-yaalaha dabiiciga ah ee la arki karaa ay yihiin kuwo cadayn u ah jiritaanka ILaah. 

"Ilaah markuu abuuray Aadan dhabarkiisa wuxuu ka soo saaray farcankii ku jiray waxaanu yiri: kuwan waxaan u abuuray jannada waxaanay qaban-doonaan camalka ahlu-Jannaha. Haddana dhabarka Aadan ayuu markale ka soo saaray kuwo kale oo yiri: kuwan waxaan u abuuray Naarta waxaanay fali-doonaan camalka ahulu-naarka."