Dhacdo Xanuun Badan .. Qoys Somali ka Kooban Lix Qof Oo Meyd-kooda Laga Helay Xaafad Ku Taal Qaahira
Monday - December 2, 2024
Dalka Masar waxaa ka dhacday dhacdo xanuun badan kadib markii qoys Soomaali ah oo ka kooban 6 qof mayd-kooda laga helay xaafadda guri ay ka degganaayeen Xaafada "madinet nasr" oo ku taala caasimadda dalka Masar ee Qaahira.
Meydadka qoyska ayaa loo qaaday mid kamid ah isbitaalada dowladda ee ku yaalla caasimadda iyadoo booliska ay markaasi sheegeen in baaritaan lagu sameeynayo sababta ay u dhinteen balse saaka ayay dhaqaatiirta isbitaalka ku dhawaaqeen sababta keentay dhimashada sida uu BBC-da xaqiijiyay mid ka mid ah ehelada qoyska waxa ayna ku sheegeen inay ku neef-qabatimeen gaaska cuntada lagu karsado.
Qoyska dhintay oo ka koobnaa Lix qof ayaa kala ahaa Aabe, Gabar iyo Wiil uu dhalay iyo Gabdha ninkeeda iyo laba carruur ah oo ay dhashay, waxaana la sheegay in sabtidii mayd-kooda laga helay guriga ay ka daganaayeen magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Qoyska qaar waxa ay ka yimaadeen Ingiriiska, kuwo kale waxa ay ka yimaadeen Turkiga sidoo kale qaar ayaa ka yimid Soomaaliya .. Baaritaankii hordhaca ahaa ee xalay waxa ay dhaqaatiirta inoo sheegeen in sababta ay tahay Gaas, balse saaka ayay sheegeen in jawaabta ay soo saareen dadkaasna ay u dhinteen neef-qabatin ka dhalatay gaaska.