Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 18 January 2025

Daryeelka Caafimaadka .. Calaamadaha Lagu Garto Babaasiirka Iyo Sida Looga Hortago

Thursday - December 5, 2024





Babaasiirtu waa xanuun yimaada marka ay bararaan aroorayaasha dhiiga ee malawadka iyo dabada(Anus) , taas oo keenta Cuncun dabada ah mararka qaarna keeni karta in dhiig dabada ka yimaado xilliga saxarada .. Waxa loo qaybiyaa laba nooc oo kala ah mid debedda ah (External) iyo mid gudaha ah (internal) waxayna ku kala duwan yihiin dad debedda ahi waa ka Cuncun iyo xanuun badantahay ta gudaha ah (internal).

Calaamadaha lagu garto babaasiirta: Waxay ku xiran tahay nooca ay tahay markaa :

1)Ta Gudaha (internal) -badanaa wax calaamado ah ma yeesho qofku se xilliga uu saxaroonayo (defecation) ayuu ka iman karaa dhiig ama yeelan karaa Cuncun, mararka qaarna xididada bararay ay debeda u soo bixi-karaan.

2) Ta debedda (External) -wuxuu qofku yeeshaa

- Cuncun dabada ah

-Xanuun uu dareemayo xilliga saxarada

-Barar wareega dabada.

- Mararka qaarna dhiig baa ka yimaada dabada.

        Hadaba Maxaa sababa babaasiirta

1) Calool istaaga mudada dheer ah

2) Dadka Ducashada badan sameeya xilliga suuliga ee waqtiga badan ku qaata

3) Dadka badanaa quuta Cuntooyinka aan ahayn kuwa balka leh (low fiber diet).

             Yaa khatar ugu jira

1) Dadka Buurbuuran

2) Dadka fadhiga badan ee aan wax jimicsi ah samayn

3) Dadka qaba xanuunada ku dhaca Mindhicirada iyo malawadka.

          Sidee looga hortagaa?

Habka u wanaagsan ee aad kaga hor tegi karto ama aad ku yarayn karto xanuunkeeda iyo Cuncun ka waa in aad ku dedaasho sidii ay u noqon lahayd saxaradaadu mid jilicsan , oo aad qaato

1) Cuntooyinka baalka leh

2) ku dedaasho Cabitaanka biyaha

3) aad samaysid jimicsi joogta ah

               Daaweynta

1) Marka walba qofka waxa lagula taliyaa in uu ku dedaalo in ay saxaradiisu ahaato mid jilicsan isagoo samaynaya sida kor ku xusan

2) xanuun baabi'iye

3) Hydrocortisone cream waa dhiiqo ka yaranysa xanuunka iyo Cuncunka

4) Mararka qaar qaliin baa lagu sixi karaa

5) Dariiqooyinka kale ee wax lagaga qaban karo waxaa kamid ah (rubber band ligation).

Fariin: Waxa jira goobo dhaha Dhir dhaqameedka wax ku dawaynaa oo siiya dadka dhir keeni kara in qofku ka waxyeeloobo dabada markaa ka digtoonoow oo cid aan mihnadle caafimaad ahayn waxba haka qaadan.