Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 17 January 2025

Kooxihi Xagjirka Cadaanka Mareykanka Oo Ka Baxay Jawgi Aamusnaanta .. FBI-da Mareykanka Oo Tiradi Ugu Badneyd Walxaha Qarxa Ka Soo Saartay Beer Ku Taala Virginia

Thursday - January 2, 2025




FBI-da Mareykanka ayaa sheegtay inay heshay in ka badan 150 bam kadib howlgal lagu qaaday beero ku yaalla gobolka Virginia – taasoo la aaminsan yahay inay tahay kaydkii ugu weyn ee bambooyinka ee lagu qabtay howlgal ay hay’addu sameysay taariikhda inta la ogyahay.

Brad Spafford ayaa lagu xiray degmada Isle 17-kii Diseembar, taasoo 290 kiiloo mitir koonfur ka xigta Washington DC, ka dib markii la helay xog sheegaysay in hub iyo rasaas lagu sameeyay guriga ay halkaa ku kayd-santahay, isagoo la wadaagay xaaskiisa iyo laba carruur ah oo yar-yar.

Baarayaasha ayaa sheegay in qaar ka mid ah aaladaha laga helay qol jiif ah ayna ku jireen boorso aan si wanaagsan loo xirin, taasoo loo arkay in ay tahay tixraaca dhaq-dhaqaaqa arrintaan.

Qareenka Mr. Spafford ayaa beeniyay in uu khatar ku yahay ninkaan bulshada waxaana uu xoogga saarayaa hadda in laga sii daayo xabsi ay dowladdu ku hayso.

Ninkaan ayaa la tuhunsan yahay ilaa hadda waxaa lagu soo eedeeyay kaliya lahaanshaha qori aan diiwaan gashaneyn, in kastoo baarayaashu ay sheegeen in eedeymo kale ay suurtogal-yihiin.

Baarayaasha ayaa sheegay Talaadadii in bambooyinka la qabtay “si kooban loogu qiimeeyay inay yihiin kaydkii ugu weynaa ee hubka qarxa oo dhammaystiran ayna taariikhda qabato FBI-du.