Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 17 January 2025

Waa Ino Dhaqan In Waalida La Qaato Ee Aan La Qaadan Talada .. Wasiiro Ka Kala Socda Galmudug Iyo Puntland Oo Maanta Shir Ka Yeeshay Nabadeynta Galbeedka Gobolka Mudug " Sacad Iyo Leelkase"

Sunday - January 5, 2025




Gaalkacyo- Maanta oo taariikhdu tahay January 05, 2024 waxaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ka dhacay shir muhiim ah oo ku saabsan adkaynta Nabadgelyada Galbeedka Gobolka Mudug una dhaxeeyey Dawladda Puntland iyo Dawladda Galmudug.

Shirkaan oo daba socday shirweynihii dardargelinta Nabadaynta Gobolka Mudug ee ay labada Madaxweyne, Madaxweynaha Dawladaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Dawladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ay si wadajir ah magaalada  Gaalkacyo uga fureen 14 September 2024, ayaa maanta waxaa ku kulmay guddi ay labada Madaxweyne u soo direen in xal waara laga gaaro colaadda Galbeedka Gobolka Mudug.

Guddiga Golaha Wasiirada labada Dawladood oo ay weheliyaan Maamulka Gobolka Mudug labada dhinac iyo maamulka Degmada Gaalkacyo labada dhinac, Agaasimeyaal Guud, xubno ka mid ah madaxda labada Dawladood ayaa ka hada hadlay si ugu haboon ee lagu gaari karo xal waara oo nabadeed oo ka dhalata Galbeedka Gobolka Mudug.

Shirku intuu socdey waxaa lagu lafa-guray muhiimadda nabadda, wadda-noolaanshaha, Is-dhexgalka bulshada, wax wada-lahaanshaha iyo faa’iidooyinka ku  jirta guud ahaan Bulshada ku nool Gobolka Mudug.

Masuuliyiinta ayaa intii shirku socday isla garowsaday muhiimadda ay u leedahay nabaddu Horumarinta iyo wada noolaanshaha bulshada Gobolka Mudug, waxaana la isla qaatay in si wadajir ah looga hor-tago dhammaan shaqaaqooyinka iyo ficilladda liddiga ku ah amniga iyo xasilloonida bulshada ku nool Gobolka Mudug.

Ugu dambeyntii Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dawladda Puntland Mudane Yacquub Maxamed Cabdalle iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Dawladda Galmudug Mudane Maxamed Talyaani ayaa si wada jir ah u jeediyey Warbixinta kooban ee shirkii maanta dhacay.