Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 17 January 2025

Zaman Aakhiro Baa Yimid .. Adigaan Macbuudow Hadey Murgato Xaajada .. Maxaad Ka Og-tahay Fayraska Nef-mareenka Ee Ku Faafaya Dunida Dacladeeda

Monday - January 6, 2025




Caabuqa sii kordhaya ee fayraska neef-mareenka ee loo yaqaanno metanemovirus (HMPV) ee Shiinaha ayaa walaac ku abuuray dad badan iyo waddamo badan, taas oo ay ugu wacan tahay isku ekaanshaha calaamadaha caabuqa faafa iyo hargabka caadiga ah.

Fayraskani waxa uu dadka soo xasuusiyay xanuunkii Corona ee mar saameeyay dunida oo dhan, kaas oo ka bilowday Shiinaha .. Marka laga hadlayo soo ifbaxa cusub ee fayriska ee Shiinaha, tani waxay muujinaysaa kor u kaca la socodka kiisaska, sida uu sheegay Dr. Dirar Al-Balaawi, oo ah bare sare iyo lataliyaha daaweynta cudurrada faafa.

Al-Balaawi oo u warramayay BBC-da laanteeda Carabiga ayaa sheegay in feyraskaan markii ugu horreysay laga helay dalka Holland sannadkii 2001-dii, balse waxa ay dadku aaminsan yihiin in uu muddo dheer ka hor jiray, inkasta oo uu cusub yahay daahfurkiisa.

Cilmi-baarisyo la sameeyey ayaa tilmaamaya in caabuqa uu fido xilliyada gu’ga iyo jiilaalka, sida uu sheegay Dr. Al-Balaawi.

Sida la sheegay Dadaka aadka ugu nugul caabuqa, waxaa ugu daran carruurta yar-yar, dadka da’da ah, dadka difaaca jirkoodu daciifka yahay iyo dadka qaba xanuunnada neef-mareenka sida neefta, waxaa kalo la sheegay in qofka uu ku dhaco caabuqaan lagu arkayo calaamado fudud oo la mid ah hargabka, sida diif, qufac, cune xanuun iyo qandho

Qaababka gudbinta iyo xawaaraha faafinta, waxaa lagu kala qaadaa iyada oo la soo marsiiyo dhibcaha neefsiga ee ka dhasha qufaca ama hindhisada ama taabashada tooska ah ee meelaha fayraska wasakhaysan .. Siyaabaha looga hortagi karo waa in fayrasku uusan hadda u muuqan mid leh khatar wayn oo caalami ah, balse ka warqabka astaamihiisa iyo siyaabaha looga hortagi karo ay muhiim u tahay in la xaddido fiditaankiisa iyo ilaalinta kooxaha halista ugu jira.