Adeerow Ka Joog Kuma Hakado Awrka Qooqane .. Sacad Iyo Leelkase Oo Markale Isku Dhacay
Wednesday - January 15, 2025
Warar maanta naga soo gaaray dhinaca iyo Mudug, waxay sheegayaan in niman hubeysan oo dhalasho ahaan ka soo jeeda beesha Sacad oo dilaal-nimo iyo damac wado ay saakadi hore soo qaadeen duulaan isa soo maqiiq ah oo ay ku dooneen iney ku qabsadaan dhulka Meygaag iyo Jicboor, isla markaana irida laga soo galo degaanka ay Ood ka saaraan beesha Leelkase, hasa-yeeshe waa sida la yiriye kooxahaas meel ma gaarin, balse Alifka ayaa loo taagay waxaana ka hor-yimi Rasaas dab ah lagu maansheeyey iyo holac wax leefaya .. tirada soo duushay waxaa lagu qiyaasay 300 har-jadaaya oo intooda badan tashiga odayaashooda aan waxba ka maqlin .. Beesha Sacad inkasto ay jiraan munaafaqiin Daaha dabadiisa wax ka afuufa, hadana in badan oo beeshaas ka mida ayaa dagaalkaas ka soo horjeeda, laakiin maxay kugu taala Baruur keliya baa Baruuro Qurmisa .. Gardiid Waa Alle Diid
Sida la sheegay duulaankaas basar-xumada ahaa lama mahadin oo halkaas khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh ayaa soo gaaray dhinici soo duulay, sidaaso kale dhinaca Muqaawamada Leelkase oo iyago difaac ku jiray waxaa ku dhaawacmay dhawr wiil.
Waa sida la xusaye, beesha Leelkase, waa niman isku kalsoon oo duco waalid iyo deymo awliyo leh aan marnaba ka hakaneyn Rasaas iyo xabad dhaceysa, waayo waxay aaminsan-yihiin iney xaq ku dagaalamayaan oo waxay qabaan in Rabi Iyo Rasuul raali-nimadiisa ay ku filan-yahay .. Rabi Waa kan Og xaalka Quraanyo Madow Oo Habeen Madow Dhagax Madow Dushiisa Ku Socota