Madness Of Electronic Waves Aan La Xukimi-karin Oo Maskaxda Trump U Daarta .. Turkiga Oo Si Adag Uga Horyimi Qorshaha Donald Trump
Wednesday - Feb 5, 2025
Ankara – Wasiirka arrimaha dibedda ee Turkiga ayaa si adag u dhaleeceeyay qorshaha uu soo jeediyay madaxweyne Donald Trump ee ah in Mareykanka la wareego Marinka Gaza, islamarkaana Falastiiniyiinta lagu daabulo dalal kale.
Wuxuu yiri: Tani waa arrin aan la aqbali karin,ayuu yiri Hakan Fidan, mar uu la hadlayay wakaaladda wararka ee Anadolu .. Wuxuu intaas ku daray in barakicinta Falastiiniyiinta ee Gaza ay tahay arrin anaga iyo gobolka toona aan la qaadan karin oo Xitaa in laga doodo waa khalad
Madaxweyne Trump ayaa sheegay inuu ka dhigi-doono Gaza mid aan la rumeysan karin, isagoo ballan qaaday in uu meesha ka saari doono walxaha qarxa ee aan dillaacin iyo burburka, isla markaana uu dib u dhisi doono dhaqaalaha gobolka.
Si kastaba ha ahaatee, Trump ma uusan bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan sida uu qorshuhu u saameyn doono in ka badan laba milyan oo Falastiiniyiin ah oo ku nool Gaza.
Mareykanka ayaa la wareegi doona Marinka Gaza, waxaana ka qaban doonaa shaqo weyn ayuu Trump ka yiri shir jaraa’id oo ka dhacay Aqalka Cad, isagoo intaa ku daray in arrintaasi ay abuuri doonto kumannaan shaqo.
waxuu warka si raaciyey, Waxaan arkaa in Mareykanka uu muddo dheer gacanta ku hayn doono Gaza, taasoo xasillooni weyn u keeneysa Bariga Dhexe iyo laga yaabee gobolka oo dhan.
Dhanka kale, Shiinaha ayaa Arbacadii si cad uga hor yimid "barakicinta qasabka ah" ee Falastiiniyiinta ee Gaza, kaddib hadalkii Madaxweyne Trump.
Sida la ogsoon yahay, Shiinaha wuxuu aaminsan yahay in Falastiiniyiintu ay xaq u leeyihiin inay iyagu maamulaan dhulkooda, taasoo ah Mabda’a asaasiga ah ee xukunka Gaza xilliga dagaalka kadib. Waxaan si adag uga soo horjeednaa barakicinta qasabka ah ee shacabka Gaza,