Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 6 Feb 2025

Culuunta Baarista Caafimaadka .. Geedo Ka Baxa Somaliya Oo Laga Helay Daawo Dabiici Ah Oo Ka Hortaga Jirada Kansarka

Thursday - Feb 6, 2025




Cilmi-baaris cusub oo ay si wadajir ah u sameeyeen dhawr jaamacadood oo ka mida Jaamacadda Gobolka Georgia ee cariga Mareykanka iyo sido kale Machadka la yiraah Georgia State’s Perimeter College iyo Jaamacadda Addis Ababa, iyo Xarunta Winship Cancer Center ee Jaamacadda Emory, kuwaaso daaha ka rogtay in Geed ka mida  Beeyada, oo ka baxa Soomaaliya iyo Itoobiya, uu leeyahay awood lagu daweyn karo jirada Kansarka, gaar ahaan midka ku dhaca ilmo-galeenka!

✅ Cilmi-baarayaashu waxay baareen Afar Dhir ah oo ka tirsan qoyska Beeyada.

✅ Waxay ogaadeen in dhirtaasi leeyihiin maaddooyin dabiici ah oo si toos ah u burburin kara unugyada kansarka.

✅ Tijaabooyin lagu sameeyay shay'baarka ayaa muujiyay in maaddooyinkaas ay si gaar ah u bar- tilmaansadaan-karaan unugyada xun ee jirka, iyagoo aan waxyeello u geysan unugyada caafimaadka qaba.