Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 23 Feb 2025

Ku Dhabarku Muuqdow Waa Dharaar Lagu Dhawraaye Ee Hoy Dadkaaga Dhinac Ka Raac .. Ciidamada Puntland Oo Boosaaso Ku Qabtay Shan Qof Oo Lagu Tuhunsan-yahay Argagaxisada Daacish

Wednesday - Feb 12, 2025





Boosaaso- Ciidamada Ammaanka Puntland ayaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ku qabtay 5 qof oo lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin kooxda Argagixisada ah ee Daacish.

Qoraal ka soo baxay Hawlgalka La-dagaallanka Argagixisada ee Puntland ayaa lagu shaaciyay in ciidamada Ammaanka Boosaaso ku qabteen 5 qof oo lagu tuhunsan yahay in ay in ay ka tirsan yihiin kooxaha Argagixisada ah ee Daacish.

Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ee dowladda Puntland ayaa xaqiijiyay in shanta qof oo dhammaantood Soomaali ah gacanta lagu dhigay kaddib markii ay xogtooda ciidamada Ammaanka u soo gudbiyeen shacabka magaalada.

“Boosaaso: Laamaha amaanka ayaa qabtay 5 qof oo lala xiriiriyey Argagixisada Daacish, kuwaasi oo ay shacabku soo gudbiyeen. Xubnahan oo dhammaan ah Soomaali, waxaa hada ku socda baaritaan” ayaa lagu yiri qoraalka ciidamada Amniga Puntland.

Hawlgalka La-dagaallanka Argagixisada ee Puntland ayaa sidoo kale tilmaamay in hadda baaritaan ku socdo kooxda ay ciidamadu qabteen ee lagu tuhunsan yahay in ay xiriir la lee yihiin ama ka tirsan yihiin Argagixisada ISIS