Nabad Daadihiya Oo Dajiya Beesha .. Wasiirka Maaliyada Puntland Mudane Maxamed Faarax Oo Si Adag Uga Digay In Colaada Miyiga Loo Soo Raro Gudaha Gaalkacyo
Thursday - Feb 20, 2025
Wasiirka Maaliyadda dowladda Puntland, Maxamed Faarax Maxamuud oo hadal ka jeediyay shir nabadeed oo Gaalkacyo uga furmay labada beelood ee Sacad iyo Leelkase ayaa si weyn uga digay in colaadda ka taagan galbeedka Mudug loo soo raro magaalada Gaalkacyo.
Wasiir Maxamed Faarax ayaa odayaasha labada beelood ka codsaday in ay nabadda u midoobaan, isla markaana ay meesha ka saaraan wax-kasta oo colaadda u hiilin kara, wuxuuna sheegay in mas’uuliyiinta Puntland iyo Galmudug aysan aqbali doonin in colaadda miyiga loo soo raro magaalada Galkaacyo ee xarunta gobolka Mudug.
“Waxaa tihiin ehel wadashay oo aan meelna kala aadi doonin, dhulkuna weligiis meeshiisa ayuu ahaanayaa, waxaa laydinka rabaa inaad baaqa nabadda gaarsiisaan reer guuraaga oo hawshaan aydin ka tegin iyadoo qabyo ah, haddii aad heshiin waydaan maamuladu go’aan bay gaarayaan labada beeloodba dan u ah.”
"Magaaladaan Galkacyo waa magaalo inaga wada dhexaysa oo Soomaali oo dhami ku nooshahay, in qalalaaso laga sameeyo wax-yaabaha miyiga iyo tuulooyinka ka dhacay loo soo raro marna aqbali mayno, dadka raba inay fidno ka sameeyaan oo dagaalada u soo raraan kulli waa iska celinaynaa oo dhan baan uga soo wada jeensanaynaa. Dagaalku meelbuu joogaa xa lbaana loo raadinayaa"ayuu yiri wasiirka Maaliyadda Puntland.