Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 23 Feb 2025

Itobiya Oo Dagaal Iclaamisay .. Eritrea Oo Dib Ugu Yeertay Ciidamadi Hawl-gabka Noqday

Sunday - Feb 23, 2025




Muwaadiniinta Eritrea ee ku sugan gudaha iyo dibadda ayaa la xaqiijiyay in dowladda Eritrea ay qasab uga dhigtay in looga baahnaa xubnihii hore ee militariga inay dib ugu laabtaan cutubyadooda si ay dib ugu tababartaan, kuwa kalena ay uga baxaan dalka.

Sida ku cad awaamiirtan, muwaadiniinta da’doodu ka yar tahay 60-ka sano ee ka tirsanaan jiray ciidamada dalkaas waxaa laga rabaa inay is-diiwaangeliyaan oo ay tababar qaataan, sidoo kale dadka da’doodu ka yar tahay 50-ka sano waxaa laga mamnuucayaa inay dalka ka baxaan iyaga oo aan oggolaansho ku habboon ka helin hay’adaha dawladda ee ay qusayso.

Dadka ku nool magaalada Asmara oo la hadlay BBC-da Laanta Tigrinya ayaa sheegay in amarkan ka soo baxay dowladda Eritrea aan si rasmi ah loo shaacin. Sida ay sheegeen dadka deegaanka ayaa dhaqan galka amarkan ka war helay markii ay tageen deegaanada ay dalka ka baxi rabeen ama tageen goobihii ay ka heli jireen adeegyada kala duwan ee dowladda.

Haweeney u dhalatay dalka Eritrea oo ku nool Yurub oo aan magaceeda qarisay sababo ammaankeeda iyo tan qoyskeeda darteed, ayaa BBC-da Laanta Tigrinya u sheegtay in hooyadeed iyo aabaheed ay ka codsadeen fiisaha bixitaanka si ay ugu safraan dalka ay ku nooshahay, balse aabbaheed oo hore uga tirsanaan jiray ciidamada Eritrea loo diiday fiisaha balse hooyadeed ogolanshiyo la siiyay.

Amarka ka soo baxay dowladda Eritrea oo la soo marsiinayo dowladaha hoose, ma saameynayo ragga oo keliya, balse sidoo kale wuxuu saameeyaa haweenka, taasoo cabsi ku beertay dadka deegaanka, sida ay BBC-da u sheegeen qaar ak mid ah dadka dalkaasi.

Dadka ku nool magaalada caasimadda ah ee Asmara, ayaa BBC-da u sheegay in shirar ay isugu yeereen lagu soo bandhigayo xogta “xaaladaha hadda ka jira” kuwaas oo tilmaamaya in “haweenka sidoo kale” loo qaadi karo tababar ciidan.