Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 26 Feb 2025

Cag-madhigayaasha Markasta Soo Jeeda .. Musqul Ka Sameysan Dahab Oo Malaayiin Doolar Lagu Qiimeeyey Oo Shan Daqiiqo Lagu Xaday

Tuesday - Feb 25, 2025




Tuugo ayaa fadhiga suuli-Musqul oo ka sameysnaa Dahab lagu qiimeeyay £4.8m ka xaday Qasriga Blenheim ee cariga ingiriiska kadib weerar keliya socday Shan daqiiqo oo ay halkaasi ku qaadeen, sidaasna waxaa sheegtay maxkamad dacwadda lagu dhegeysanayay.

Suuliga amase Musquusha qofba sidu u yaqaan ayaa ahayed mid la isticmaalayay wuxuuna qeyb ka ahaa bandhig lagu qabtay Oxfordshire dalka Ingiriiska bishii September 2019.

Michael Jones, oo 39 jir ah oo deggan Divinity Road, Oxford ayaa beeniyay eedeymaha loo jeediyay Fred Doe, oo hore loo yaqaanay Frederick Sines, 36 jir ah, kana soo jeeda Windsor iyo 41-jirka Bora Guccuk, oo galbeedka London ka soo jeeda ayaa beeniyay inay fududeeyeen xatooyadan.

Maxkamadeyn-tooda oo ka dhacday Maxkamadda Oxford Crown Court ayaa laga sheegay in suuliga laga yaabo in la fuqsaday dibna aan loo helin.

Dacwad-ooge Julian Christopher KC ayaa maxkamadda u sheegay in burcad ka kooban Shan oo Labo gaari watay ay ka gudbeen albaabada xiran ee Qasriga Blenheim Palace aroor hore 14-kii September 2019 ayna xoog ku galeen dhismaha iyagoo watay qalabka wax lagu jebiyo sida Buruska.