Ramadaan Karim .. Aduunyada Waa Dharaaro Dhawaan Laga Guuri-doono .. Aduunyada Guudkeeda Iyo Hoostiisa Iyo Wixii Ku Nool Waxaa Masuuliyadeeda Leh ILaahay Qura
Thursday - March 13, 2025
Walaal- Dadka iyo Xayawaan-kuba waxay u casuuman-yihiin ilaahay oo isaga quudiya, bal u fiirso Quraanjadu siday u nooshahay iyo itaalkeeda yaa Quudiya .. Bal u fiirso noloshii aad soo marteen idinka iyo dadkii aad degaanka ku Wada noolaydeen, waxaad is weydiisaa inta Nool iyo inta Geeriyootay, inta Bukta, inta nolosha la daalaa-dhacaysa ee iyaga iyo Ubad-kooduba kaca kufka ay ku noolyihiin yaa Quudiya.
Adduunyadu waa imtixaan Maalkana waa kii ilaahay uu kuu dhiibay waana kii uu Nebi Mohamed oo buuraha Dahab ilaahay uu uga dhigayay uu foqorka ka doortay, sidaas awgeed Maalku waa masuuliyadaha marka sida xun loo isticmaalo uu ilaahay ifkana ku ciqaabo qofka ku takri-fala Aakhirona uu ku cadaabo waayo ilaahay ayaa leh Maalka.
Maalka waxa u xun ka Xasadka lagu helo .. Xasadku waa laba, mid dhalan ah iyo mid qofka ay ku dhaliso xaasidnimo lagu sameeyay kaas waa laga toobbad keenaa .. Xasadka dhalanka ahi waa kii ilaahay uu kitaabka ku sheegay ee ahaa xaasid ma guuleysto "xaasid maa yaflax"
Xaasad ma guuleysto, waxa weeye xaasidku hadduu ku aflaxo oo uu malaayiin helo ma dhargo kumana raaxeysto balse nolosha adduunyada wuxuu ku noolyahay walwal iyo cabsi waxa ku dhaca cudurrada waaweyn ee ciqaabta ah, wax kasta oo uu haystaa way ka madow-yihiin oo dagaal ilaahay oo aan looga hiilin-karayn ayaa haysta sidaas awgeed dib ha laysu xisaabiyo oo ilaahay ha loo noqdo.
Xoolo xasad, boob, ama khiyaamo lagu helay ciqaabtooda lagama kaco ee wixii ku dhex jira ilaahay haw noqdaan, Haddi kale marki Ajashisa soo dhawaato wuxuu ku dhiranaanaya Macsida iyo basarka oo ka xumaada