Ramadaan Kariim .. Fadliga Habeenka Leylatul Qadri .. Sdee Loo Helaa Fadliga Leylatul Qadri .. ILaahay Ha Nagu Daro Kuwa Hela Fadliga Habeenka Qiimaha Leh Aamiin
Friday - March 21, 2025
1- Leylatul Qadri ka khayr badan kun bilood .. Taas macnaheedu waa cibaadada laga sameeyo habeenkan waxay ka fadli badan tahay cibaadada 83 sano iyo 4 bilood.
2- Quraanka ayaa la soo dejiyay .. Habeenkan waa habeenkii Qur’aanka lagu soo dejiyay, taasoo muujinaysa sharafta uu leeyahay.
3- Malaa'igta ayaa soo degta – Malaa’igta iyo Jibriil ayaa soo dega si ay u barakeeyaan dadkii cibaadeysanaya.
4- Waa habeen nabad ah – Waa habeen xasiloon, oo ay nabad iyo barako ku jirto ilaa waaberiga.
Sidee Loo Helaa Fadliga Leylatul Qadri?
Nebi Muxammed (SCW) wuxuu noo tilmaamay in habeenkan la raadiyo 10-ka habeen ee ugu dambeeya Ramadaanka, gaar ahaan habeenada witirka (21, 23, 25, 27, iyo 29). Waxaa sunno ah:
In la tukado salaado badan, gaar ahaan salaadda Taraawiixda iyo Tahajudka.
In la akhriyo Qur’aanka, la xuso Alle, la badiyo duco iyo istighfaar.
In la badiyo ducadan uu Nabigu (SCW) baray Caa’isha (RC) oo Ah: Allaahow, adigu waad cafisaa, waxaad jeceshahay cafiska ee na cafi).
Habeenka Leylatul Qadri waa fursad dahabi ah oo aan Alle ka barino danbiga cafis, jannada iyo raxmaddiisa. Waa habeen cibaado mudan, waana inaan dadaal dheeraad ah muujinno si aan u helno ajarkiisa.