Waayaha Aduunka Iyo Maareynta Nolosha .. Qiso La Xariirta Xiriirka Maalka Iyo Nolosha Fiican
Wednesday - April 9, 2025
Laba nin oo jaar ah ayaa mid-kood ahaa Maalqabeen, halka kalena uu ahaa nin Sabool ah .. Ninkan saboolka ah mar kasta farxad ayuu iskaga jiray habeenkii daaqadaha iyo albaabada ma xiri-jirin.
Ninka Qaniga ah oo isagu aan haysan farxadda ninkan haysto ayaa aad ula yaabay faqiirkan aanay farxadiisu is dhimayn iyo werwerka uu isagu jiro.
Maal-qabeenka ayaa ninka jaarkiisa u yeeray maalin danbe oo siiyay Lacag, kuna yiri "waxaan ogahay inaad Sabool tahay, jaarna waynu nahay, xaq ayaan isku leenahay ee qaado lacagtan , oo ku dabool baahidada, iyo wixii kale ee aad u baahatoā€¯.
Saboolki Aad ayuu u Farxay, maalintii oo dhan Lacagta ayuu ilaalinayay, habeenkii waxa u tegay Sariirta si uu u seexdo, laakiin wuu seexan-kari waayay, xitaa daaqadaha iyo albaabada ayuu xiray si uu lacagta u ilaashado. laakiin wali hurdo ma hayso. Sidii uu habeenkii uu ilaalinayay lacagta ugana fikiraayay waxa uu ku qaban-doono ayuu waagi u beryay
Subax-nimadii ayuu lacagtii qaaday oo uu tegay hantiilaha jaarkiisa ah waxaana uu ku yiri "Saaxiib Qaaliya Ayaad Tahay, waxan ahay sabool aad ayaad ii kaalmaysay laakiin saaxiib waan ka xumahay lacagii waxay ii diiday farxadii iyo hurdadii, imikana waatan aan kuu sido ee iska qaado" .. Xikmada Qisadaan Waa in Aanay Lacag Lagu iibsan Karin Farxad.