Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 16 April 2025

Qofka ILaahay Ka Baqa Oo Sabra ILaahay Ma Lumiyo Mana Dayaco Ajarka Kuwa Wanaagsan .. Muhimada Sabirka

Tuesday - April 15, 2025




Sabirka iyo sida uu muhiim u yahay waxa aad inoogu dhiirgeliyay diinteena Islaamka .. Nebi Yacquub (Cs) markii uu la dardaarmayay inamadiisa wuxu ku yidhi: "Wiilashaydow taga oo soo raadiya Yusuf iyo walaalkii hana ka quusanina naxariista Allah"

Si Kasto dhib noo taabto, waxay ina tuseysa in aynaan ka quusan Naxariista Allaha (SW), kuna kalsoonaano oo khayr iyo wanaag ka rajayno.

Nebi Yuusuf (CS) jeelka waxa uu kula xirnaa laba nin mid markii la sii daayay ayaa la dilay, mid kalena markii la sii daayay ayuu boqorka khaadim u noqday .. Nebi Yuusuf (CS) muddo ayuu ku sii jiray xabsiga oo ku Sabray dhibaatadii, Laakiin maalintii la soo daayay wuxu noqday Boqor.

Shiikhi weynaa Imaam Ibnu Qayim Waxa uu yiri: "Waxii ku dhaafay marna kaga gudbi-maysid Murugo iyo Walbahaar, Balse waxaa lagaga gudbaa raali ahaanshaha Allah (SW), Sabir iyo Allaha (SW) oo loo mahadanaqo Qadarka Allah oo la rumeeyo iyo adoonka oo qira inuu Allah u qadaray iyo inuu Allah wixii uu doono fuliyo”.