Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 22 April 2025

Talooyin Dhaxal Gal Ah .. Talooyin Qeexan Oo Ku Anfici-Kara

Tuesday - April 22, 2025





1- Sirtaada ku koob Laba: Naftaada iyo Rabbigaaga.

 2- Ha ka baqin Laba: Rizqiga (quudka) iyo Geerida, waayo labaduba waxay ku jiraan gacanta Alle.

 3- Ku dadaal inaad ku farxad geliso Laba Qof Aduunyadan: Hooyadaa iyo Aabbahaa.

 4- Marka dhibaato kugu timaado, kaalmayso Laba: Samirka iyo Salaadda.

 5- Laba waligaa ha xusin: Wanaagga aad dadka u samaysay iyo Xumaanta ay adiga kuu geysteen.

 6- Laba waligaa ha iloobin: Allah iyo Aakhiro.

 ILaahay Ha inaga Dhigo Kuwa Xuso Oo Xasuusta Naxariistiisana Hela.