Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 4 May 2025

Digniin Culus .. Daraasado Xaqiijiyey In Cuduro Khatara Ah Ay Ka Dhashaan Taleefoonada Casriga Ah

Friday - May 2, 2025





Daraasado si weyn loogu lafa guray khatarta caafimaad ee ka dhasha isticmaalka Aaladdaha Tignoolajiga casriga ah ayaa sii kordhay, waxaana la ogaaday in Bakteeriyada loo yaqaan Staphylococcus Aureus iyo Coagulase-negative Staphylococci ay yihiin kuwa si dhab ah loo xaqiijiya ee la ogaaday inay yihiin noolaha ugu baddan ee la aqoonsaday ee ku jira taleefannada gacanta.

 Taleefannada casriga ah, Tablet-yada, Laptop-yada iyo Shaashadaha kale ee Dhijitaalka ah ayaa siidaaya heerar sare oo iftiin muuqda oo dherer gaaban ah

 Infakshanka Staphylococcal (staph) wuxuu keenaa marka bakteeriyada loo yaqaan Staphyloccocus ay soo gasho jirka, badanaa iyada oo soo marta Maqaar go'an ama nabar ah. xubnaha kale (tusaale, wadnaha, sambabada, ama lafaha).

Baaritaanada la sameeyay ee Aaladdaha Dhijitaalka ah, oo ay ku jiraan telefoonnada gacanta iyo Shaashadaha Kumbuyuutarrada, ayaa sidoo kale sii daaya iftiin buluug ah laakiin tiro yar si aynaan u arag mid aad u daran sida midabka buluugga ah ee cirka. Sida fallaadhaha UV ee ka soo baxa qorraxda, iftiinka buluuga ah wuxuu leeyahay hirar gaaban.

Sidaa awgeed khuburada Sayniska iyo xeel-dheerayasha dhanka Tignoolajiga ayaa ka digaya in Aaladdaha Taleefanadu ay gudbin karaan xanuunnada caadiga ah sida Hargabka, Shubanka iyo caabuqyada indhaha.

Sidoo kale, Taleefannada gacantu waxay sii daayaan Shucaaca soo noqnoqda raadiyaha ee loo yaqaan ( Spectrum Electromagnetic) .. Taleefannada gacanta ee jiilka Labaad, Saddexaad iyo Afraad (2G, 3G, 4G) waxay sii daayaan oo soo noqnoqda shucaaca inta jeer ee lagu qiyaasay  0.7-2.7 GHz. Hase yeeshee khatarta kale ee digniinta ah ayaa tilmaamay in Taleefannada gacanta ee jiilka Shanaad (5G) sida la saadaaliyay, ama laga filan karo inay isticmaalaan soo noqnoqda spectrum ilaa 80 GHz.