Hadal Waxaa Ka Horeeya Hubsashada .. Maalmaha Wanaagsani Wey Soo Socdaane Ee War Moogow Ma Lagu Waramay
Wednesday - May 7, 2025
Waxaa jiri jiray Nin Eebe ku manaystay caqli iyo cudud-ba oo ay magaalada oo dhami ka haybeysato, ayaa waxaa u yimid Nin aad u dayacan oo darxumo iyo tiiraanyo ay ka muuqato, kolkaasuu weydiiyay ninkii caliga badnaa ee magaalada oo dhammi ka haybeysaneysay: Waxaan doonayaa in sidaada aan u noolaado oo ay Ummadu i ixtiraanto ee walaal maxaan sameeyaa?
Ninkiibaa waxa uu ugu jawaabay oo yiri : Horta Hugaaga soo hagaaji oo hadal-kaagu ha noqdo mid Rejo iyo Reyn-reyni ku dheehan-tahay kadibna waa hubaal inuu hab-dhaqankaagu noqonaayo mid wanaagsan oo dadku ay ku soo hirtaan.
Halkii buu ninkii ka baqoolay oo uu ku qaatay taladii ninkii isagoo hugiisana wanaajinaaya kadibna cid walba oo ka hor-timaada ku oranaaya: Maaalmaha wanaagsani way soo socdaane ee warmoogow ma laguu waramay? Ayaa waxaa ka horyimid la taliyaha Boqorka ee magaaladaas oo ka yabaasanaa xaaladda adag ee uu wadankiisu maraayo, kolkaasu wareystay ninkii oraahda ku cel-celinayay ayaabuu wuxuu ku yiri: Ma waxaad tahay faaliye? wakhtiga wax ka yaqaan markaasuu ugu jawaabay. May laakiin waxaan ogahay in marwaliba waqtiga adag uu ka dambeeyo waqti wanaaagsan.
Hadaba naftaada ku ababi in wax waliba ay leeyihiin dhammaad iyo bilaw, ninkii la taliyaha boqorka ayaa sidii ugu geeyay ninkii boqorkii magaalada oo halkii ku qaabilay ninkii Huga wanaagsanaa ee hadalka soocana ee hab-dhaqankiisuna sareeyay, isla markiiba boqorkii ku qaatay ninkii inuu ka mid noqdo la taliyayaashiisa gaarka ah
Nuxurka qoraalka iyo xikmada ku aasan ayaa ah, Nina Nin wax ma dheera marka laga reebo garashada in Rejadu iyo Reyn-reyntu tahay hadba sidaad u aamin-santahay bed-qabka Qalbigu waa wax lays dheeryahay ee hays dhigan oo hays dhiibin ILaahay lagama quustee.