Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 12 May 2025

Been Iyo Blah-Bala-ba Wey Isi Soo Gabeen .. Wada-hadalo Aysan Qayb Ka Ahayen Israel Oo Bilowday Xamaas Iyo Mareykanka

Sunday - May 11, 2025




Doha  – Wadahadallo u dhexeeya Xamaas iyo maamulka Mareykanka oo ku saabsan xabbad-joojin laga hirgeliyo Gaza iyo sidii gargaar bani’aadannimo loo gaarsiin lahaa deegaanka go'doonsan ayaa socda, sida uu Axaddii u sheegay Reuters sarkaal Falastiini ah oo arrimahaas si dhow ula socda.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhowaan mar kale ballan-qaaday inuu gacan ka geysan-doono sidii cunto gargaar ah loo gaarsiin lahaa shacabka Gaza .. Wakiilka Mareykanka u fadhiya Israa’iil ayaa sidoo kale Jimcihii sheegay in hab cusub oo ay Washington taageerayso, laguna keenayo gargaar Gaza, uu dhowaan dhaqangelayo.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa yiri: "Ma faahfaahin karno wada-xaajoodyada socda, balse waxaan xusi karaa hadalladii dhowaan kasoo baxay Qatar iyo Masar ee muujinaya in ay sii wadaan dadaallada lagu raadinayo heshiis" .. Afhayeenka ayaa intaas ku daray in Xamaas ay mas’uul ka tahay bilowga dagaalka iyo dib u bilaabashada colaadda.

"Madaxweyne Trump wuxuu si cad u muujiyay cawaaqibta Xamaas kala kulmi doonto haddii ay sii haysato maxaabiista, oo ay ku jiraan Edan Alexander oo Mareykan ah iyo meydadka afar muwaaddin Mareykan ah,” ayuu yiri afhayeenka.

Israa’iil oo ku adkeysaneysa in dagaalka la joojin doono oo keliya marka Xamaas gebi ahaanba laga takhaluso, ayaa sheegtay inay ballaarin-doonto howlgalladeeda Gaza — dagaalkaas oo burbur baaxad leh sababay, isla markaana Qaramada Midoobay ay ka digtay inuu shacabka Qaza ku rido macluul degdeg ah.