Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 31 May 2025

Godka Iyo Xabaasha Iyo Geeridu Waa Xaq .. Tacsi .. Alaha Ha U Naxariiste Maxamed Saciid Xirsi Nuux "Morgan"

Wednesday - May 28, 2025




Waxaan halkan tacsi uga dirayaa Geeridii ku timid Marxuum Jeneral Maxamed Saciid Xirsi Nuux "Morgan" kaas oo sawirka guud markaan ka baxsho arimaha ku gaadaaman ee dhabta ah .. Maxamed Saciid muddo aan yareeyn ayaan saaxiib ahayen gaar ahaan xiligi waxbarashada Akadeemiya ee cariga Ruushka iyo shaqadi Villa somaaliya xiligi Siyaad Barre ee aan bartanka uga jirnay .. Sida la ii sheegay ma jirin xanuun weyn balse isagoo ku sugan magaalada bosaaso ayaa xaaladisi caafimaad mar qura u ku jiray ayaa is badashay oo waxaa qarxay baa la yiri marinka dhumaha cuntada qaada, waxaana loola soo cararay xagaa iyo Nairobi. waxaana ku xigtay ninba si u dhimay iyo Maxamed waa geeriyooday

Jeneral Maxamed Magaca neynaasta Morgan anigaa u bixiyey oo haddaan soo koobo sooyaalkiisi nololeed, waxuu ahaa Nin degan oo akhlaaqdiisa aan u abuurneyn Shar-wade, balse muuqaal islaam buu umada ku dhex joogay, ma ahayen Geed xun dhuxul dambas huwan, sido kale ma hayen nin macangag ah oo talo lahayen, mase ahayen munaafaq Daah dabadiisa wax ka afuufa, isla markaas ma ahayen daalin Arxan goys, mana ahayen dabiicadiisa dadka colaada iyo dhibka huriya, Balse waxba kama jiraan af-laboodada waalan iyo cadeyn la'aanta khuraafaadka beenta taariikheed ay dadka qaarkiis ka sameeyeen koleyba waxay la xariirta oo kama maqna qabyaalad iyo cuqdad ..  Godka iyo xabaasha iyo geeridu waa xaq, waana dhabo la wada maraayo oo meel qura ku dhamaata oo iyado Uun baa loo kala dareeraya, waa run haddi Gabowgu baaqsado geeri baan wax deyneyn

Jeneral Maxamed Saciid " Morgan" Geerida naxdinta leh ayaan uga tacsiyeynaya, Ooridiisi Canab Maxamed Siyaad iyo Awlaadii Eheladdii iyo Asxaabtii iyo dhamaan Umadda Soomaaliyeed ayaan uga tacsiyeynaya Geeridaa naxdinta leh ee ku timid, waxaan ugu ducaynaynaa marxuumka in ilaahay janatul firdowsa ka waraabiyo Dhamaanteena Samir iyo Iimaan inaga Siiyo Aamiin Aaamiin Aaamiin yaa rabbi.
              
                     Qore Maxamed Calixaashi "In Cadaawe"