Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 3 June 2025

Labada Xaraan Wada Cuna Xumaan Bay Ku Heshiyaan Oo Ku Kala Tagaan .. Mucaaradow Soo Ma Tihiin Nimanki Seexday Ee Soo Toosay Ma Waxba Iska Kiin Badalay .. Ee Shaar Kale Ha Noo Soo Gashanina

Sunday - June 1, 2025





Waxaan ka Afeefanaya Hadalka Iyo Is-Tabceyntiisa .. Bayaan aan caadi aheyn oo ay Sabtidii si wadajir ah u soo saareen hogaami-yaasha mucaaradka Soomaaliya .. Saddex iyo toban siyaasi oo caan ah, oo ay ku jiraan madaxweynayaal hore, ra’iisul-wasaareyaal iyo hogaamiyayaal mucaarad ayaa si cad Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ugu Eedeeyay kali-talisnimo, musuq-maasuq iyo xad-gudub ku saabsan dastuurka.

Hadaba waa in aan runta isu sheegnaa oo xaaladaha jira aan laga been sheegin .. Haddi faalo in yar ah laga bixiyo, waxaa murti hore sheegeysa " Labadda Xaraan Wadda Cunay, Xumaan Bay Ku Kala Tagaan" Aan hoos ugu dhaadhaco Seefta dhex miranaysa Xasan Shiikh Iyo Mucaaradka oo horay heshiiska ku ahaa, Beenta, isku-dirka, Naxli abuurka, Reer nacaybka, Xaq daradda, Cadaalad la'aanta, isnicida, Eexda, Sadbursiga iyo boobka ee Calooshu ku balaaratay iyo boobka dhulka dan-yarta, baa akhristaw miino ka dhex qaraxday, mana jirto cid kala gurtaa, oo fidnaa dhex-miranaysa, xaalkoodu wuxu marayaa " Aniguba waxaan Raba inaan wax cuno Ee xasanow keligaa wax liqimeysid".

Mucaaradka warkooda daacadnimo kama aha ee munaafaqad hoosta ka beelaysan ayey wataan oo Bulshada Somaaliyeed waxay sii fiican u fahantay in ay yihiin cadawga kali ah ee Somali leedahay, balse Ummadu waxay naceen argooda oo xitaa maqalkooda ayey dhagaha ka fureystaan

Mucaaradow soo ma tihiin nimanki seexday soo toosay, ma wax-baa iska kiin badalay .. Bulshada Somali waxay idin leeyihiin waxba Shaar kale ha noo soo gashaniina oo cid aad maanta wax u sheegeysaan baa iska-ba yar. 

Dhinaca kale, Maxamed Farmaajo isagu sidi Haadka ayuu habeen Saq-dhex ka Duulay Somaliya oo jiho Uu u kacay illa hadda lama garanaayo iyo meel u ku soo noqdo-tona .. Maxamed Farmaajo oo lagu sheegay inu ahaa nin xaga hogaaminta ku jilicsan waxaa odoroska la saadaalinaya inusan lahayen waqtigaan awood u ku ciyaaro geemka socda

Sida Kale Madaxweyne Xasan Shiikh waxaa maal-mahaan la sheega in xaalkiisa maamul u Naf ka dhawr-yahay, balse xaalkiisu yahay ma ka baxday ma ku jirtaa, haddaba weydiintu waxay ay tahay haddi shakhsiyaadka mucaaradka mid ka mida u badalo Xasan Shiikh illa heerke ayu ka ficnaan-kara amase ka sii liidan-kara.

Ugu dambeyn iyo sida la ogyahay, Cida qura ee maanta hadalkeeda la dhageysan-karo waa cida qabiilnimo wax iska celisa waayo Burcad qabyaaladeed ma laha garasho iyo nafsiyad taa lagaga badbaado