Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 7 June 2025

Saciid Deni Oo Macangag Ku Noqday Xasan Shiikh Oo Jid Gala Iyo Mid Ka Baxana Midna Aan Jirin .. Puntland Oo Cadeysay Mawqif-keeda Shirka Ay Iclaamisay Villa Somaliya

Friday - June 6, 2025



Sidi caadi ahaan laga filaayey Xukuumadda Puntland ayaa dalbatay in la fuliyo shuruud adag, oo ay ku xirtay ka qeyb-galka Shirka, taasi oo ah in Villa Somalia ka laabato wax ka beddelkii ay ku samaysay dastuurkii dalka, islamarkaan dib u soo celiso dastuurkii heshiiska lagu ahaa.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo saaka warbaahinta kula hadlay Garoowe salaaddii Ciidda kaddib ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh in uu ka laabto dhammaan isbedelladii uu ku sameeyay dastuurka dalka, ka hor inta aan laga wada-hadlin qabsoomidda Shirka uu iclaamiyay.

“Waxaan jeclaan lahaa in ay dowladdu xaqiiqada u soo degto mudda-xileedkeedii dhammaad buu ku jiraa si doorasho la isku raacsan yahay looga wada-hadlo haka tanaasulo dastuurkii uh beddelay hana u soo noqdo dastuurkii heshiiska lagu ahaa in doorashada lagu galo” ayuu yiri wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir.

Wasiir Caydiid oo ka falceliyay warqaddii Casumaadda Shirka ee ka soo baxday Villa Somalia ayaa warqaddaasi ku tilmaamay mid” isku dhex karis ah oo aan la aqoon cidda lagu casumay iyo cidda ka maqan”, waxaana uu saluugmo ka muujiyay hab-dhigaalka warqaddaasi.