Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 27 June 2025

Dab Bakhtiyey Diiramaad Ma Leh .. M/weynihi Hore Maxamed Farmaajo Oo Soo Dhaweeyay Wada-hadalka U Bilowday Villa Somalia Iyo Mucaaradka Neef-tuuraya

Friday - June 27, 2025





Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay War-saxaafadeedkii ka soo baxay Madaxtooyada JFS, kaddib kulankii dhexmaray qaar ka mid ah madaxda mucaaradka Soomaaliya iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu ku tilmaamay mid noqon kara bilow wanaagsan oo loo qaaday dhanka xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed ee ka taagnaa arrimaha masiiriga ah ee taabanaya dastuurka dalka, siyaasad loo dhan yahay iyo hannaanka  doorashada dalka.

Madaxweyne hore Farmaajo ayaa sidoo kale ku baaqay in Dastuurka KMG ah ee Soomaali ku heshiisay sanadkii 2012-kii uu yahay tiirka isku haya dalka, sidaa darteedna wadahadal kasta oo dhacaya waxaa lagama maar-maan ah in  Dastuurka uu saldhig u noqdo xal u helidda arrimaha masiiriga ah, waxaana uu yiri "Waxaan sidoo kale markale hoosta ka xariiqaynaa kuna baaqaynaa in Dastuurka KMG ah ee ummadda Soomaaliyeed ku heshiisay sanadkii 2012-kii uu yahay tiirka isku haya dalka, sidaa darteedna wadahadal kasta oo dhacaya waxaa lagama maar-maan ah in Dastuurka uu saldhig u noqdo xal u helidda arrimaha masiiriga ah.”

Waxuu kalo u maxamed Farmajo u soo jeediyey Xasan Shiih inuu qaato kaalintiisa dastuuriga ah ee isku haynta iyo midnimada dalka, sidaa darteed waxaa lagama maar-maan ah in Madaxweynuhu qaato mas’uuliyadda ka soo qeybgalka shirka ee Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland uuna si toos ah ugu martiqaado shirka loo balamay saddexda bisha luuliyo oo muhiim u ah in dalku yeesho jiho siyaasadeed oo loo dhan yahay