Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 30 June 2025

Safarka Aakhiro .. Qabrigu Waa iil Madow Waa Guri Abeeso Rabigey Adoomaha Kaga Aarguto Marna Waa Udgoon Iyo Duni Wada ILeysa

Sunday - June 29, 2025





Dadka Binu Aadmigu geerida ma jecla hadday meel yari ku xanuunto oo Takhtar buu markiiba ku cararaya .. Adduunyadu waa waddo la marayo wayna dhammaataa wadadu, Adduunyada dadkii inaga horreeyay way ka tageen inaguna waynu ka tegaynaa ee Maxaa dhimashada ka danbeeya,? 

Waxa ka danbeeyaa waa ilaahay oo lays hortaago xisaabtiisa waxa ku xigaa waa janno iyo Cadaab ee dadyahaw waxa kuugu dhawi waa dhimasho amase Mawd, waxaad ku jirtaana waa rajo Fooqyo dhaadheer oo aad dhisato, Xaas qurux badan iyo caruur.

Adduunyada inta nool waxa ka badan inta dhimatay ee hoosteeda joogta .. Walaalayaal maxaynu u arki weynay Dadkan dhinaceena jiifa ee shalay inala noolaa maantana xabaalaha ku jira .. hadaba Ogow waa laynna xisaabinayaa waa kasta oo berya daqiiqad kasta oo ku dhaaftay waxaad qabanaysay Shar iyo Khayr adoo ilaahay hortiisa taagan ayaa lagu weydiinayaa, 

ilaahay wuxuu leeyahay dadka xisaabtu way ku dhawday iyana waa war-moogayaal "qaafiliin", Kuwa ilaahay ka Gaalioobay daahirka noloshay garanayaan.

Fekerki dadka wuxuu noqday halkaas Maxaa iigu jira maxaan helayaa maxaan haystaa .. Ilaahay wuxuu inoo abuurtay xaqiisa oo la raaco ee xumaanta hallaga fogaado.