Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 1 July 2025

Waatan Xaqiiqada Safarka Cirro .. Maxaad Kala Socota Yeerista Madaxweyne Cirro Ee Qatar Oo La Yiri Waxay La Xariirta In Dadka Gaza Si Kumeel Gaara Loo Dajiyo Somaliland

Monday - June 30, 2025





Akhristaw waxa jira " Shir caalamiya " oo lagu qabanaayo dalka Qatar kuna saabsan dagaalka Gasa iyo israaa'iiil, waxaana la yiri Madaxweyne Cabdiraxmaan Ciro ayaa ka qeyb gelaaya .. Hadaba maxaa u sabab ah ujeedada Dawlada Qadar ugu yeertay Madaxweyne Ciro maxayse daaran-tahay

Imaaraadka ,Qatar iyo israaiil waxay ku heshiiyeen in ay Israa'iil iyo reer Gasa dagaalka soo afjaraan, kadibna loo yeedho madaxweyne Cabdiraxmaan Ciro Si loogala hadlo In qeyb ka mid ah dadka reer Gasa Somaliland loo soo qaxiyo gaar ahaan Inta Gasa la dhisaayo . Ogaw-se waa baro kicin Reer Gasa dib ugu noqon maayaan Gasa hadii laga dhoofiyo dhul-kooda).

Wararka ayaa tibaaxaya in Hadii ay Somaliland ogolaato in reer Gasa loo soo qaxiyo, In ay israa'iil ictiraafeyso Somaliland una ololeyso .. iyo Sidii Somaliland beesha caalamka u ictiraafi lahayd iyo saaxiibada israa'iil aduunka ku leedahay iyado Somaliland-na dhinaceeda in ay israa'iil ictiraafto oo aqoonsato oo xiriir siyaasadeed la yeelato iyo mid dhaqaale .. waxaa la leeyahay waa suuragal in
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump in uu amar iyo awood madaxweyne ku aqoonsado Somaliland.

Sida La Ogyahay, Dadka Falastiiniyiinta ahi Somaliland ma ku noolaan karayaan, iyaga oo aan isku midab iyo Af -toona ahayn oo qaxootiya, iyaka oo Muslim iyo Gaalo-ba leh, iyaka oo aan waxba ku soo kordhin karayn shacabka iyo dalka Somaliland?

Su'aasha taagan, Ma saxbaa in Somaliland iibsato ictiraafkeeda ? Waa maxay maal-gashiga ama dhaqaalaha dalka UAE iyo Qatar ay siinayaan Somaliland? Iyo su'aalo badan oo kale oo Isweydiin iyo jawaabo u baahan .. 

Dhinaca Kale, Hadii ay Somaliland diido codsigan dalka UAE iyo Qatar iyo US oo is-wata, Maxaa Somaliland ka soo gaaraya? Ama kala kulmi kartaa?