Hargeysa Oo Baryahaan Sidi Mogdisha Noqotay Surka Soo Dhigo Waa Sefta Mooryaante .. Laba Wiil Oo Caawa Lagu Toogtay Magaalada Hargeysa
Sunday - July 20, 2025
Laba wiil oo dhalinyaro ah ayaa caawa abaaro 8 fiidnimo lagu toogtay aaga ay ka baxaan Basaska taga xaafada Kilinka oo aan ka dheerayn xero jaadii hore ee Hargeysa
Labada wiil ee la dilay ayaa mid ka mid ah lagu sheegay Khadar Ibrahim Xuseen (khadar furre) kaasi oo la sheegay in uu markiiba geeriyooday xaga ninka kale oo aan magaciisa la xaqiijin uu qabo dhaawac culus oo naf ka eeg ah.
Ilaa hada lama sheegin waxa sababay dilkani hase ahaatee wararku waxa ay sheegayaan in ninkiindilka gaystay uu baxsday, ciidamada amaankuna waxa ay galeen baadhitaan waxa la sheegayaa in la baadhaayo kamaradaha goobahaasi ku xidhnaa .
Arintani waa arin ugub ku ah caasimada Somaliland iyo guud ahaan gobolkaba, waxana aad heegan loo galiyay ciidamada amaaanka sidii loo heli lahaa gacan ku dhiiglahaasi danbiga foosha xun gayetay.