Xildhibaano DKMG Oo Isaga Baxay Hoolka Shirka Nairobi-IGAD Cabasho Awgeed
Wednesday - October 29, 2008
Nairobi : Qaar kamid ah xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhow isaga baxay shirkii xubnaha Barlamaanka iyo wasiirada arrimaha dibadda uga socday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Xildhibaanada baarlamaanka ee isaga baxay shirka ayaa ku Eedeeyey guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya inuu soo xulay oo uu khudbadda siiyey xildhibaano mucaraad ku ah dowladda KMG ah gaar ahaan madaxweyne Yuusuf.
Xildhibaanada shirka isaga baxay ayaa ku andacooday in guddoomiyaha Barlamaanku uu garab siinayo xildhibaanada mucaaradka oo qura isago dhinaca kale ku laadaya, waxaase warku sheegaya in madaxda IGAD ee shirka daadihineysa ay balanqaaday iney dhinaca kale la siindoono hadal ka jeedin shirka.
Sikabtaha ah`ahaatee waxaa lagu macneeyay Ka bixitaanka xildhibaanada ee shirka Nairobi ka furmay maanta ayaa ah caqabad kale oo ku soo hor gudboonaatay siyaasadda iyo dhibaatooyinka ka jira dalka Soomaaliya
Galdogob Times News Desk