Muqdisho: Nin la dhashay Ra'iisul-wasaare K/xigeenka oo ay ciidamada DF dileen.
Wednesday - Feb 27, 2008
Allaha u naxariistee Marxuum Abuukar C/salaan Xaaji Aadan ayaa maanta ciidamo ka tirsan Dowlada KMG ah ku dileen xaafada KM4 ee magaalada Muqdisho.
Marxuumkaan geeriyooday ayaa la xaqiijiyay inuu la dhashay Ra'iisul-wasaare K/xigeenka ahna Wasiirka Warfaafinta, Sports-ka iyo Dhalinyarada Dowlada KMG ah Mudane Axmed C/salaan Xaaji Aadan.